Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahdi Guuleed: Doorasho qof iyo cod ah ayaan qabaneynaa


Mahdi Guuleed
Mahdi Guuleed

Hoggaamiyayaasha dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey inay doonayaan in doorasho qof-iyo-cod ah inay ka dhacdo dalka sannad kadib.

Hadalkan ayaa waxaa maanta Muqdisho ka sheegay ra’iisul ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, oo intaas ku daray in tani ay tahay “wax ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan madaxda dowladda.”

Baarlamanka Soomaaliya weli go’aan kama gaarin nooca doorashada, waxaana jirta in qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ay sheegeen in xilligan aysan dhici karin doorasho noocaan ah.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan noo soo diray.

Mahdi Guuleed: Doorasho qof iyo cod ah ayaan qabaneynaa
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:31 0:00



XS
SM
MD
LG