Waxaa maanta ka furmay magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti shirwaynihii 6-aad ee Ururka Qorayaasha iyo Hal-abuurka Soomaaliya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan Somali PEN.
Kulankan oo saddex maalmood socon doona ayaa lagu wadaa in xubnaha ururkan ay ku doortaan guddi cusub oo hoaagmiya ururka qalinleeyda Soomaaliyeed.
Wariyaha VOA ee Djibouti Sagal Saciid Faarax ayaa warkan ka soo dirtay Jabuuti