Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka oo qoraal kasoo saartay doorashooyinka Somalia


Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay doorashooyinka heer federal ee la filayo inay Soomaaliya guda gasho dabayaaqada 2020 iyo horaanta 2021.

Qoraalkan ayaa yimid “kadib markii maalmihii la soo dhaafay, ergagada beesha caalamku ay wadatashiyo la yeesheen guddiga qaran ee doorashooyinka, Afhayeenada labada aqal ee baarlamaanka, Taliyaha booliiska iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.”

Qoraalka ayaa lagu soo bandhigay arrimo dhowr ah oo beesha caalamu ay boorisay in laga helo hanaanka doorashada ee weli aan go’aanka laga gaarin, waxaana ay beesha caalamka ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay ka dhabeyso ballan-qaadyadii ay ku sameysay shirkii Madasha Iskaashiga ee la qabtay 2-dii October.

Sida qoraalka lagu sheegay, shirkaas ayey dowladda federaalka ah waxay ka ballanqaadday iney dhaqan-gelineyso sharciga doorashada, iyo sharciga xisbiyada siyaasadda, ugu dambeyn bishan December ee 2019.

Waxay sidoo kale dowladdu ballan qaaday, sida qoraalka lagu yiri, qoondada haweenka ee baarlamaanka cusub ee lasoo dhisayo oo ah 30%, iyo qorshe amni ee suurto-gelin kara in si ballaaran ay dadku uga qeybgeli karaan doorashada.

Sidaas darteed, ayaa lagu yiri qoraalka, “iyadoo la raacayo ballan-qaadyada dowladdu sameysay waxay saaxiibadu caalamku boorinayaan in hanaanka doorashada Soomaaliya laga helo dhowr qodob oo ay ugu weyn yihiin”.

In hanaanka doorashadu noqdaa mid dhowraya dastuurka dalka, islamarkaana xaqiijinaya in dhammaan doorashooyinka federaalka lagu qabto waqtigooda oo ah dabayaaqada 2020 iyo horraanta 2021, ayada oo aan muddo kordhin loo sameyn golayaasha sharci-dejinta iyo fulinta.

Waxay sidoo kale booriyeen in hanaanka doorashadu noqdaa mid xaqiijinaya in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay helaan metelaad caddaalad ah, islamarkaana siiya fursad ay wakiilada matalaya ugu doortaan hab “qof-iyo-cod ah”.

Xubnaha beesha caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay in la xaqiijiyo kaalinta xisbiyada siyaasadda ay ku leeyihiin doorashooyinka, sidoo kalena la damaanad qaado in haweenka ay 30% ku yeeshaan xildhibaanada baarlamanka cusub.

Waxay sidoo kale booriyeen hanaan doorasho oo haysta taageerada dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka, islamarkaana ay ka qeyb-gaalan dadka Soomaaliyeed oo dhan, oo ay ku jiraan dadka gudaha dalka ku barakacay.

Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqay hanaan doorasho oo natiijadiisu ay noqotaa in lagu doorto hogaamiyayaal sharciyad haysta.

Ugu dambeyntii, saaxiibada caalamka ayaa Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee dalka ugu baaqay inay ansixiyaan sharciga doorashooyinka dalka iyo sharciga xisbiyada ee dib loo habeeyey, waxayna ka codsadeen dhinacyada siyaasadda ee dalka inay meel iska dhigaan khilaafyadooda, islamarkaana yeeshaan wada-hadallo wax lagu dhisayo.

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray Amisom Canada, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, Kenya, Norway, Sweden, Switzerland, UK, QM and Mareykanka.

XS
SM
MD
LG