Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo soo dhoweysay go'aanka IMF


Beyle
Beyle

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa soo dhoweeyey go’aankii shalay ay xubnaha hay’adda IMF ku meel-marisay qorshaha maaliyadeed ee hay’adda ka gacan siinaya deyn-cafinta Soomaaliya.

Wasiir Beyleh ayaa sheegaya in go’aankaas uu ahaa mid ay dowladda Soomaaliya filaysay.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in bisha Febraayo ee 2020 cafin doonta deynta lagu leeyahay Soomaaliya, oo la rumeysan yahay inay ku dhowdahay 5 bilyan oo dollar.

Beyleh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay soo dhameystirto waxa looga baahan yahay ka hor inta aan la gaarin waqtiga deyn cafinta.

Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan kasoo dirtay Muqdisho.

Soomaaliya oo soo dhoweysay go'aanka IMF
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:09 0:00


XS
SM
MD
LG