Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Heritage ee Jabuuti oo lasoo geba-gebeeyey


Shirka Heritage
Shirka Heritage

Kulanka Madasha aragti is-weydaarsiga Soomaalida ee uu soo qaban qaabiyey machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa maanta lagu soo geba-gebeeey magaalada Jabuuti.

Kulankan oo socday saddex maalmood ayaa waxaa sanadkan hal ku-dhiggiisu ahaa Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika.

Arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa, Nabadda Geeska Afrika, arrimaha Somaliland, horumarinta kartida umadda, ganacsiga, siyaasadda iyo doorashooyinka Soomaaliya, iyo xaaladda amniga ee gobolka.

Xubnihii matalayey dowladda Soomaaliya ee shirka ka qeyb-galay ayaa ballan-qaaday inay taabo geliyaan qodobadii shirka uu isku raacay.

Shirka ayaa waxaa soo xiray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo fidiyey gogasha shirka.

Warbixintan waxaa Jabuuti kasoo dirtay Sagal Saciid Faarax.

Shirkii Heritage ee Jabuuti oo lasoo geba-gebeeyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:14 0:00


XS
SM
MD
LG