Madaxda Puntland iyo xubno ka socday beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Midooga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobe ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe.
Kulanka ayaa looga hadlayay isu soo dhoweynta Maamulada federaalka iyo dowladda dhexe, iyo Doorashooyinka soo wajahan sanadka soo socda.
Dhinacyada ayaa sidoo kale ka wada hadalnay arrimaha ku saabsan dayn cafinta, iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaari lahaa.
Madaxweyne Deni ayaa kadib kulanka qoraal uu soo saaray ku yiri “Dhammaan qodobadii aan ka wadahadalnay waxay ku dheceen jewi wanaagsan. Waxaan halkan ka cadaynayaa in Puntland diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda looga hadlaayo iyo siyaasaddeedana horumarinaaya”
Warbixintan waxaa Garoowe kasoo diray Nuux Muuse Birjeeb.
Facebook Forum