Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyaha Xabsiga Dhexe oo shaqada laga joojiyey


Xabsiga Dhexe
Xabsiga Dhexe

Taliska Asluubta Soomaaliya ayaa sheegay in shaqadii laga joojiyey taliyihii xabsiga dhexe Jeneraal Maxamed Sheekh Xirsiile kadib markii uu dhintay nin maxbuus ahaa oo jiranaa.

Ehellada maxbuuska geeriyooday ayaa taliye Maxamed Sheekh Xirsiile ku eedeeyey inuu ka bixiyey cisbitaalkii lagu daweyn lahaa.

Jeneraalka Maxamed Sheekh oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa ku dooday inuu maxbuuskaasi geeyey cisbitaalka Martiini, isagoo raacayey sharciga oo yiri waa goobta dawladu leedahay ee ugu dhow, sharciguna uu tilmaamayo.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan noo soo diray.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo shaqada laga joojiyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:13 0:00


XS
SM
MD
LG