Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia oo la sheegay inay xirtay Yuusuf Xasan Mursal


Ciidamada

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dawladda xilligan jirta Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa ku eedeeyey ciidamada amniga inay xireen Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsanaa dadka u dhaqdhaqaaqa sii daynta Mukhtaar Roobow Abu Mansour oo ku jira xabsi-guri.

Cabdirashiid ayaa VOA u sheegay in Yuusuf Xasan ay shalay gurigiisa Muqdisho kala baxeen ciidamo ka tirsan dowladda, sababo la xiriira inuu ka hadlay “gabood falladii sanad ka hor ka dhacay” magaalada Baydhaba.

Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin xariga la sheegay inay u gaysatay Yuusuf Xasan.

Cabdirashiid ayaa khadka telefoonka ugu warramay weriyahayaga Jamaal Axmed Cusmaan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG