Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali loo Tababaray Caawinta Dadka Xanuunsan iyo Maxaabiista


Tababar muddo sanad ah u socday arday Soomaali u badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada, tiradooduna ahayd ilaa 21 arday, ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ardaydan ayaa waxaa la baray sidii ay gacan u siin lahaayeen dadka xanuunsan ee ku jira isbitaallada, kuwa ku jira xabsiyada, iyo dadka ay masiibooyinku saameeyeen.

Shiikh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah dadkii bixinayay tababarkan, isla markaana ah qofka kali ah ee Muslim ah ee gobalka Minnesota shaqadan ka qabta, ayaa VOA u sheegay in ardaydan qalin jebisay ay wax badan ka caawin doonaan bulshada adeegooda u baahan, gaar ahaan Muslimiinta isbitaallada ku jira ee gargaarka u baahan xilliyada ay marayaan marxaladaha adag.

Haddaba, Shiikh Cabdiraxmaan Shariif oo ah Imaamka Masaajidka Daarul Hijra ayaa u warramay wariyaha VOA ee Minnesota, Maxamuud Mascadde

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG