Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa shaaca ka qaaday in tan iyo sanadkii 2017kii ay dalka Yemen ka dhoofiyeen 5 kun oo ka mid ah qaxootiga soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaas.
Hay’adahan ayaa sheegay in dadkani ay iskood u dalbadeen in la caliyo maadaama ay dalka Yemen dagaallo ka socdaan, laakiin dhinaca kale waxaa jira qaxooti badan oo Soomaali ah oo wali ku sugan Yemen.
Warbixin ku saabsan xaaladda qaxootiga Soomaalida ee Yemen waxaa inoo faahfaahinaya Xuseen Barre.
Facebook Forum