Daadad ayaa ku fatahay xaafado badan oo ka mid ah degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegay inay kasii dareyso.
Ilaa 200 oo qoys oo deganaa hareeraha webiga Shabeelle ayaa lagu warramayaa inay guryahooda ka barakaceen
Mas’uuliyiinta degaanka ayaa sheegay inay ka digayaan in halis caafimaad ay kasoo socoto fatahaaddan.
Warbixintan waxaa noo soo diray weriyahayaga Mukhtaar Maxamed Catoosh.