Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faah-faahin ka bixiyey heshiiska 20-ka xildhibaan ah ee dowladdu la gashay Ahlu-Sunna.
Heshiiska ayaa macnihiisu waxa uu yahay in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 xildhibaan, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha qabaa’ilka.
Sabriye ayaa VOA u sheegay in iyaga iyo Ahlu-Sunna ay ku heshiiyeen in si miisaaman oo qaab beeleed ku dhisan loo qeybiyo 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna laga siinayo baarlamaanka Galmudug.
Falastin Axmed Imaan ayaa khadka taleefonka ee Dhusamareeb ku wareystay wasiirka arrimaha gudaha, iyadoo ugu horreyn weydiisay inuu sharxo heshiiska maanta la gaaray.