Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu-Sunna oo heshiis gaaray


Ra'iisul wasaare Kheyre iyo madaxda Ahlu-Sunna
Ra'iisul wasaare Kheyre iyo madaxda Ahlu-Sunna

Dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca (ASWJ) ayaa sheegay inay heshiis ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyey ee ku salaysnaa dhismaha dowladda cusub ee maamulka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ku saxiixan yahay wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu sheegay in laga heshiiyey in Ahlu-Sunna la siiyo 20 ka mid ah 89-ka xildhibaan ee Golaha Wakiilada lasoo dhisayo ee Galmudug.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in heshiiskan 20-ka xildhibaan uu ku eg yahay muddo xileedka Golaha Wakiilada Galmudug ee hadda dhismaya.

Dhinaca kale, madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, sidoo kalena ka tirsan madaxda sare ee Ahlu-Sunna ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyey heshiiska ay la galeen dowladda, kuna aqbalay 20-ka xildhibaan ee la siiyey.

Heshiiska ayaa macnihiisu waxa uu yahay in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 xildhibaan, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha qabaa’ilka.

Heshiiskan ayaa saamixi doona in ugu dambeyn la dhiso dowladda cusub ee maamulka Galmudug oo muddo u cakirneyd khaliifkan, haddii aysan kusoo bixin caqabado cusub.

Dhinaca kale, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhoweeyey heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ).

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto dadaalladan isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab.”

XS
SM
MD
LG