Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhibaatada Dumarka Saboolka ah Ka Haysata Dhiigga Caadada


Caadada ku dhacda dumarka waa mid gabar kasta oo qaan gaar ah oo caafimaad qabta ku dhacda ugu yaraan bishiiba hal mar.

Qofka dumarka ah ayaa marka ay caadada ku dhacdo waxa ay u baahan tahay inay hesho suufka loogu tala galay xakamaynta dhiigga ee saacadaha dheerna xajin kara.

Hase ahaatee dumarka saboolka ah ma helaan suufkaasi, oo waxaa xitaa ku adag inay helaan maryo ay iyagu farsameysteen.

Suurtogal uma aha qofta dumarka ah ee caadada qabat ee labadaasi shay mid weydaa inay qabtsato howl maalmeedkeeda caadiga ah, sida inay iskuul aado, suuqa ka soo adeegato, iyo xitaa inay gurigeeda si nafis ah ku joogto.

Waxaa haddaba barnaamijka toddobaadkan marti ku ah Miski Nuur Cabdulaahi oo qortay buug ku qoran afka Ingrisiiska oo magaciisa la yiraahdo Reset oo macnihiisu yahay Baddal iyo Maryama Cabdulle Xasan oo ah gabar u dhaq dhaqaaqda dumarka oo daggan magaalada Beledweyne.

Waxa ay labaduba barnaamijka uga sheekeynayaan qisooyin xanuun leh oo ay goob u noqdeen oo qabsaday gabdho uu u yimid dhiigga caadada.

Dhageyso barnaamijka oo ay noo diyaarisay Caasho Ibrahim Aden.

please wait

No media source currently available

0:00 0:12:43 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG