Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn xalay saqdii dhexe xilliga Muqdisho soo afjaray, hawlgalkii hoteelka SYL ee Muqdisho oo ay weerareen shan nin oo ka tirsan Al-Shabaab.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarka ku dhinteen 5 qof oo ay ku jiraan askar.
Dhinaca kale, dawladda Qatar ayaa cambaaraysay weerarkaas, waxayna sheegtay in Qatar ay mar walba diidan tahay argagixisanimada iyo iyo rabshadaha.
Warbixintan waxaa inoo diyaariyey Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.