Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Dowladda oo soo afjaray howlgalki Hotel SYL


Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa caawa saqdi dhexe xilliga Muqdisho soo afjaray, hawlgalkii hoteelka SYL ee Muqdisho oo fiidnimadi caawa weerareen malleeshiyo ka tirsan Al Shabab.

Af-hayeenka dawladda Soomaaliya, Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in la dilay dhammaan shan nin oo weerarka ka dambaysay

Af-hayeenku waxa uu sheegay inay sidoo kale ay dhinteen 5 qof oo ay ku jiraan laba ruux oo shacab ah iyo saddex ka mid ah askarti howlgalka badbaadada fulisay.

Weerarka ayaa bilwoday daqiiqado ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga Muqdidhsu. Waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay qaar rasaas ku fureen ciidamada ilaalada madaxtooyada halka kuwo kalena ay galeen hoteelka SYL.

Ugu yaraan laba ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in la dhaawacay.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmana Cumar Jeeniqaar oo taliye u ahaan jiray ciidanka Danab ayaa ku sugnaa hoteelka marka weeraku dhacay. Waxa uu VOA u sheegay in ciidankiisa ay difaaceen isaga iyo dad kale oo badbaaday.

Waxa uu sheegay taliyuhu, in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay ku hubaysnaayen qoryaha fudud iyo barmbaanooyinka gacanta laga rido.

Hoteelka ayaa ku yaalla meel u dhyow madaxtooyada Soomaaliya. Ururka Al Shabab ayaa isla hoteelkaan weeraray laba jeer hore.

Masuuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegtay ururka Al Shabab.

XS
SM
MD
LG