Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyada Al-Shabaab oo weeraray hotel SYL


Sawir keyd ah: Weerar lagu qaaday hotel SYL, January 22, 2015.
Sawir keyd ah: Weerar lagu qaaday hotel SYL, January 22, 2015.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen hoteelka SYL.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa u sheegay idaacadda VOA in weerarku lagu bartilmaameedsaday hoteelka SYL.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amnigu ay dad kasoo badbaadiyeen hoteelka.

Dhinaca kalena goobjoogayala kale ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay galeen hoteelka, isla markaana hoteelka gudihiisa laga maqlay rasaas culus.

Hoteelka ayaa ku yaalla meel u dhow madaxtooyada. Hoteelka ayaa laba jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Weerarka maanta waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab waxayna sheegteen inuu ku aadan yahay hoteelka SYL.

XS
SM
MD
LG