Hal qof ayaa ku geeriyooday laba kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii la rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen saddex qof oo ay Soomaali ku jirto oo marayay xaafadda North York ee magaalada Toronto ee dalka Canada.
Labada qof ee dhawaaca ah ayaa waxaa kamid ah Axmed Maxamed Urur oo masaajidka Khaalid Bin Waliid ee magaalada Toronto u qaabilsan arrimaha dhallinyarada.
Wariyaha VOA ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Toronto.