Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Askari oo lagu Dilay Boosaaso


Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland xalay fiidkii lagu toogtay bartamaha magaalada Boosaaso.

Dilkan ayaa dhacay kadib markii dabley hubaysan ay rasaas ku furtay gaarigii ay wateen labadaasi askari.

Mid ka mid ah askarta waxaa uu isla xalay ku geeriyooday goobtii lagu toogtay, iyadoo askariga kalena uu duhurnimadii maanta u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin dhinaca amniga ah.

Laamaha ammaanka ee Puntland kama aysan hadlin dhacdadan oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay kooxda Daacish.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG