Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaanta Pawan oo ku Hooreysa Xeebaha Puntland


Wararka ka imaanaya deegaannada xeebaha ku teedsan ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ay weli ka jiraan roobab wata dabeylo iyo daadad.

Roobabkan ayaa ka dhashay duufaanta loogu magac daray Pawan oo maalmihii la soo dhaafay laga digayay saameynta ay ku yeelan karto dalalka bariga Africa.

Sida ay sheegeen culumada saadaasha hawada ee duufaantan la socday, duufaantan oo xawligeedii uu soo yaraaday ayaa roobab xooggan ku hoorisay xeebaha Puntland oo ay ka soo caga dhigatay deegaanka Eyl sabtia maanta ah.

Wariyaha VOA ee Magaalada Boosaaso Faadomu Yaasiin Jaamac ayaa warbixitan soo dirtay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:19 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG