Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roobab dabeylo wata oo ka billowday Puntland


Deegaanada xeebaha bari ee Punland ee Soomaaliya ayaa xalay ilaa iyo saakay waxaa laga soo sheegayaa roobab dabeylo iyo daadad wata oo maalmahan laga sii digayay.

Roobabkan ayaa imanaya ayada oo ugu yaraan 280 qof ay ku dhintay roobab xooggan oo daadad dhaliyay oo ka da’ayay bilihii u dambeeyay dalalaka Bariga Africa.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay roobabkan ayaa dhinaca kale saameeyay in ku dhow saddex milyan oo qof. Hadalkan Qarmaada Midoobay ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli roobabku ay sii socdaan.

Maxamed Colaad Xassan ayaa Khadka Taleefanka kula xiriiray Cumar Maxamud Cumar Qariib oo ka mid ah ganacsatada iyo kaluumeysatda gobolka Bari wuxuuna weydiiyay halka uu ku suganyahay.

Roobab dabeylo wata oo ka billowday Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:45 0:00


XS
SM
MD
LG