Qaar ka mid dadkii roobabka iyo fatahaadaha uga cararay dhawaan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa billaabay inay dib guryahooda ugu noqdaan.
Arrintan ayaa imanayesa iyadoo ay jirto digniino laga soo saaray duufaanno culus oo ku soo wajahan Bariga Afrika 24 –ka saac ee nagu soo aadan, kuwaas oo la filayo inay soo caga dhigataan meelo ay Soomaaliya ka mid tahay, gaar ahaan Puntland.
Wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray.