Machad lagu tababarayo kaadiriinta diplomaasiyadda ee Wasaaradda Arrrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa shalay laga furay magaalada Muqdisho.
Machadkan ayaa xirnaa tan iyo burburkii xukumaddii dhexe ee Soomaaliya, waxaana dib u furistiisa gacan ka gaysatay dowladda Qatar.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sheegtay in furitaankan “uu bilow cusub u yahay waayaha diblomaasiyadda Soomaaliya si loo tababaro jiil dhalinyaro soo baxaysa oo awood u leh la falgalka arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka.”
Yuusuf Calasoow Maxamud, Agaasimaha macahadkaas ayaa khadka taleefanka ee Muqdisho ugu waramay. Wariyeheenna Maxamed Bashiir Cabdiraxman.
Facebook Forum