Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyihii degmada Awdheegle oo qarax lagu dilay


Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in guddoomiyhii degmada Awdheegle Maxamed Yarow lagu dilay qarax miino.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex ka mid ciidamada ilaalinayay guddoomiyha geeriyooday.

Qaraxa lala beegsaday gudoomiyha degmada Awdheegle ayaa dhacay xilli uu gudoomiyha marayay inta u dhaxeysa degmada Awdheegle iyo deegaanka Sabiib oo isla Awdheegle ka tirsan.

Allaha u naxriistee Maxamed Yarow ayaa mudo ka badan 6 sano wuxuu ahaa gudoomiyha degmada Awdheegle.

XS
SM
MD
LG