Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuska Maalinta Xanuunka AIDS-ka


Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka AIDS-ka adduunka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdishu, waxaana munaasabadda si wadajir ah usoo agaasimay Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo Guddiga ka hortagga xanuunka AIDS-ka ee Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Dhinaca magaalada Garoowena, dadka la nool cudurka HIV Aids ee deeganada Puntland ayaa sare u kacaya marka loo eego warbixin maanta lagu soo bandhigay magaalada garoowe sidoo kale takoorka dadka qaba cudurkaas uga imanaya Bulshada ayaa sii badanaya.

Dhinaca magaalada Hargeysana, dhageyso wareysi ay VOAdu la yeelatay mid ka mid ah dhallinyarada xanuunka la nool.

Xasan Kaahi Qoyste, Nuux Muuse Birjeeb, iyo Khadar Maxamed Cakule, ayaa soo diray warbixin iyo wareysiyo arrintaas la xiriirta.

Dhageyso Xuska Maalinta AIDS-ka
please wait

No media source currently available

0:00 0:17:22 0:00


Si aan wax badan uga ogaanno xanuunka HIV/AIDS iyo sida ay ula tacaalaan dadka Soomaalida ee xanuunkan qaba ayaa weriyaha VOA Khadar Maxamud Xareed waxa uu ka wareystay Dr. Cabdiqaadir Xuseen Warsame oo ka hawlgalada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dr. Cabdiqaadir Xuseen Warsame
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:45 0:00


XS
SM
MD
LG