Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu yahay sharciga cusub ee doorshada Soomaaliya?


Xildhibaanada oo la dhaariyey
Xildhibaanada oo la dhaariyey

Baarlamanka Soomaaliya waxaa horyaalla sharciga doorashada dalka oo wax ka bedel lagu sameeyay, kasoo nukhalladiisa shalay loo qeybiyay mudanayaasha labada Aqal si ay u soo aqriyaan.

Sharcigan waxaa ay Golaha Wasiirada Dowladda ansixiyeen bishii May ee sanadkan, iyadoo markii Golaha la hogeeyay uu u saaray guddi Gaar ah.

Guddigaasi ayaa soo jeediyay in la qaato sharcigaasi oo wax ka bedel lagu sameeyay, ka dib markii ilaa iyo 64 kulan ay la yeesheen, sida ay sheegeen dowlad goboleedyada, xisbiyada iyo bulshada rayidka ah.

Hadaba muxuu yahay sharcigan horyaal baarlamanka ee sida weyn loo hadal hayo? Maxamed Colaad Xassan ayaa su’aashaas iyo kuwo kaleba weydiiyay Proffesor, Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga jaamacadda Qadar gaar ahaan qeybteeda siyaasadda, oo sharcigaasi aqriyay.

Muxuu yahay sharciga cusub ee doorshada Soomaaliya?
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:48 0:00


XS
SM
MD
LG