Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Walaac laga muujiyey khilaafka dhinacyada Soomaaliya


Madaxda Soomaalida

Iyadoo Soomaaliya ay ku sii siqeyso waqtiga la doonayo inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxaa soo xoogeysanaya walaaca laga qabo khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda Dhexe iyo caqabadda uu ku yahay horumarka siyaasadda Soomaaliya.

Dhawaan Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan ayaa warbixin uu u gudbiyay Golaha Amaanka waxaa dhinacayada ugu baaqay inay ka wada hadlaan khillafka.

Maantana, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaalada guud ee dalka, iyagoo uga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda horumarka, iyo wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Hadaba warbixin ay arrintan ku eegeyso waxaa Muqdisho nooga soo dirtay, Seynab Abuukar Maxamed.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:07 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG