Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka oo ka walaacsan muddo kordhinta golayaasha Somaliland


Golaha Wakiilada Somaliland
Golaha Wakiilada Somaliland

Beesha Caalamka ayaa maanta war ay soo saartay ku sheegtay inay ka walaacsan yihiin go’aankii uu Golaha Guurtida ee Somaliland 24-kii bishan muddo laba sano ah ugu kordhiyay waqtiga Golaha Wakiilada.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiskii ay xisbiyada Somaliland gaareen bishii July ee sanadkan uu ahaa mid ahmiyad leh oo lagu go’aamiyey in la qabto doorashooyinka xubnaha baarlamaanka iyo kuwa golaha deegaanka iyo in lagu heshiiyay in doorashooyinkaas lagu qabto sida ugu dhaqsa badan ee suurtogal ah, siyaasad ahaan iyo farsamo ahaanba.

“Waxaan ka walaacsanahay in dhacdooyinkan ay si aad ah u wiiqayaan heshiisyadaas taasi oo dhaawacaysa sumcadda dimuqraadiyadda Somaliland. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahhay dhacdooyinka uu xarrigu ka mid yahay oo u muuqda kuwa aan sharciyad laheyn iyo xayiraadaha sii kordhaya ee xoriyadda hadalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Si gaar ah ayaan uga walaacsanahhay go’aanka ay golaha Guurtidu muddo xileedkii ugu kordhiyeen labada aqal ee Baarlamaanka oo Golaha Wakiilada loo kordhiyay ilaa bisha January ee 2022-ka iyo Guurtida ilaa bisha January ee 2023-ka.”

“Labadan aqal ee loo aas-aasay iney matalaan shacabka reer Somaliland ayaa kuraastooda fadhiya muddo aad u dheer, taasi oo ka soo horjeeda heer kasta oo dimuqraadiyadeed ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Goleyaasha deegaanku waxay shaqeynayeen iyagoo aan haysan sharciyad ilaa bishii april ee sanadkan ayay sii raaciyeen hadalkooda.”

Qoraalkan ayaa lagu yiri, "waxaan ugu yeereynaa dowladda, iyo jilayaasha siyaasaddaba iney dib u xaqiijiyaan heshiisyadii soo jireenka ahaa, ayna la yimaadaan is-afgarad, iyo tanaasul si ay xal uga gaaraan jahwareerka siyaasadeed ee taagan islamarkaana suurtogeliya in doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka iyo kuwa golaha deegaankaba lagu qabto xilligii la qorsheeyey ee ah dhamaadka sanadka 2020-ka aysanna dhicin wax dib u dhigis ah.”

Ugu danbeyn qoraalka ayaa lagu yiri, “Waxaan bogaadineynaa dedaalada dhexdhexaadineyd ee soconaya, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa in si aan u taageerno hanaanka doorashada, waa in ay ahaataa mid hrmarineysa siyaasad loo dhan yahay iyo intiraam buuxa oo sharciga ah. Waxaa loo baahan yahay in la helo Guddi Doorasho oo hanta aamminaadda dhamaan dhinacyada siyaasadeed iyo midda shacabka Somaliland. Kaliye hay’ado qaran oo si dimuqraadiyadi ku jirto loo doorto ayaa keeni horseedi kara horomarka ay shacabka Somaliland mudan yihiin."

XS
SM
MD
LG