Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug: Jadwal doorasho oo lasoo saaray


Galmudug
Galmudug

Guddiga Frasamada ee Maamul Dhisidda Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay jadwalka cusub ee doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha maamul goboleedka.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in baarlamaanka Galmudug lasoo xuli doono 29-ka Noofamber ilaa 9-da December.

Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa dhici doonta 17-ka ilaa 23-ka December.

Haddii doorashadan ay waqtigeedu ku dhacdo waxay soo geba-gebeeneysaa xiisaddii siyaasadeed ee Galmudug muddada ka taagneyd, halkaasi oo marar badan ay isku khilaafeen dowladda dhexe iyo ururka Ahlu-Sunna.

XS
SM
MD
LG