Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Dalagyada Beeruhu Waa ay Caafimaad Qabaan


Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay daraasad ay dhawaan soo saartay Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland oo ay ku sheegtay in sun laga helay qaar ka mid ah dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dalagyada Soomaaliya kuwo caafimaad qaba oo aan soo saaristooda loo adeegsan Kiimiko sun ah.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Saciid Xuseen Ciid, ayaa qabtay shir Ja’raaid oo ay kaga jawaabayeen. Maxamed Colaad Xassan oo khadka taleefanka Muqdisho kula xiriiray Wasiirka ayaa ugu horeyn weydiiyay aragtidooda ku aadan saameynta ay yeelatay daraasaddan.

Dhageysiga Wareysiga Wasiirka Beeraha
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:34 0:00


XS
SM
MD
LG