Magaalada Nairobi waxaa maanta lagu qabtay shir looga hadlayay maalgashiga deegaanada Somaliland, kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Somaliland.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay shirkado heer caalami ah kuwaasoo daneeya maalgashiga Geeska Africa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Xaaji 'Faratoon' ayaa arrimaha Shirkan uga warramay Wariyaha VOA ee magaalada Naiorbi Khadar Maxamuud Xareed.