Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Almaas Elman oo xabad ay ku dishay gudaha xerada Xalane


Muqdisho
Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa maanta gudaha Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho xabad ku dhacday ugu geeriyootay Almaas Elman, oo ay walaalo ahaayeen Ilwad Elman, oo ah gabar u ololeysa nabadda, sanadkanna ku jirtay dadkii loo sharaxay Abaal Marinta Caalamiga ee Nabadda ee Noble Peace Price.

Almaas oo la sheegay inay la shaqeyneysay xafiiska xiriirka iyo isgaarsiinta ee Miwodga Yurub ayaa waxaa xabadi ay kula dhacday xilli ay saarneyd gaarigeeda oo marayay dariiqa isku xira Xalane iyo garoonka Muqdisho ee Gudaha Xalane.

Almaas ayaa waxaa kaloo ay walaalo ahaayeen Imaan Elman oo ka tirsan saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Waxey horey ula soo shaqeysay intii u dhaxeysay sanadihii 2016kii iyo 20017kii safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Qoyskeeda ayaa ka shaqeynta arrimaha xuquuqda aadanaha iyo nabadda ka dhaxlay aabahooda Elman Cali Axmed oo 9-kii bishii March ee sanadkii 1996dii lagu dilay magaalada Muqdisho.

Faahfaahinta la xiriirta xabadda ay u geeriyootay Almaas ayaan weli kala cadeyn. AMISOM oo gacanta ku heysa amaanka Xalane ayaan weli wax war ah ka soo saarin.

Sidoo kale, saraakiisha dowladda oo ay VOA-du la hadashayna waxey sheegeen inay weli baarayaan arrintan.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo baxana, idaacadaheenna soo socda ayaad ku dhageysan doontaan.

XS
SM
MD
LG