Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta hakiyey isu soo baxii ay shalay ugu baaqeen taageerayashooda ka dib markii ay xalay xubno ergo ah oo iskood isu xilqaamay u kala dabqaadeen Xisbiga iyo Xukuumadda Somaliland.
Xubnahan ayaa isku dayaya in xal laga gaaro xiisaddii maalmahan ka taagneyd Somaliland eek a dhalatay dibad-baxa ay qorsheynayaan Waddi iyo diidmada xukuumadda.
Warkan waaxa Hargeysa ka soo diray Wariye Khadar Maxed Cakule.