Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihii Nabad-Sugida gobolka Mudug oo la dilay


Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaasi caawa fiidkii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan nabad-sugidda.

Warar aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in la dilay Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa taliyihii nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee maamulka Puntland, si gaar ah dilka wuxuu uga dhacay Xaafad lagu magacaabo Suuq Barwaaqo.

Taliyihii Nabad-sugidda Gobalka Mudug Xaashi Aada Cilmi ayaa kooxo ku hubaysan bastoolado waxa ay Ku dileen dhanka Waqooyi ee Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa lagu dilay Gurigiisa meel aan ka fogayn ka hor salaaddi maqrib. Gobjogayaal ayaa xaqiijiyay in kooxihii dilka gaystay ay baxsadeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka.

XS
SM
MD
LG