Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Somalia oo Qabatay Alshabab Weerar Geystay


Bilihii u dambeeyay waxaa soo kordhayay rag ka tirsan al-shabab oo ku fashilmayay weeraro, ay markii hore la baxsan jireen.

Dhawaan ayey aheyd markii laba dhalinyara ah oo Al-shabab ka tirsan oo hubeysnaa oo askari dilay lagu qabtay degaanka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Maantana waxey ciidamadu qabteen laba ka tirsan malaaeshiyada al-shabab oo weerar ku soo qaaday goob ay ciidamada dowladdu kaga sugnaayeen degmada Deyniile.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa Amaanka magaalada Muqdisho wax ka weydiiyay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ahna ku simaya Gudoomiyaha iyo duqqa Muqdisho, Ibraahim Cumar Mahadalle.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:26 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG