Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Boosaaso oo maanta degan


Boosaaso

Xaaladda magaaladda Boosaaso ayaa maanta degan kadib markii shalay ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Puntland iyo ciidamo beeleed wada socda ay si xoog ah gudaha ugu galeen magaalada.

Maamulka puntland ayaa ciidamo iyo tikniko fara badan ku daabulaya gudaha magaalada Boosaaso waxaana jira taxadar badan oo dadweynuhu ka muujinayaan dagaal dhaca.

Qaar ka mid ah dugsiyada waxbarashadda ee magaalada ayaa maanta la fasaxay balse goobaha ganacsiga iyo xafiisyadda dowladu ayaa furnaa.

Dhinaca kale, waxaa magaalada ka socda olole nabadeed oo ay wadaan culimada iyo waxgaradka kale ee ku dhaqan si xal looga gaaro xiisadda.

Culimada, isimada iyo nabadoonnada gobolka Bari ay VOA waxay u sheegeen inay wadaan dadaal nabadeed oo ay doonayaan in xal laga gaaro wax walba oo nabadgelyo xumo keeni karo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG