Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booqashada Madaxweyneyaashii Hore ee Beledweyne


Wafdi ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Beledweyne. Wafdigan ayaa halkaasi u tagay si ay uga qaybqaataan gurmadka dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Dhowaan ayaa Madashada Xisbiyada Qaran waxay ku dhowaaqday inay lacag dhan 200 kun oo doollar ay ugu deeqayso dadka ay fatahaaduhu ku saameeyeen Beledweyne iyo Bardaale. Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaamiya Madashada Xisbiyada Qaran.

Dhinaca kalena, ku dhowaad 20 kun oo qoys oo ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne ayaa la gaarsiiyey kaalmo ay soo ururiyeen shirkadaha ganacsi iyo dadka Soomaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadda ku sugan.

Wariyaha VOAda Hiiraan Xuseen Xasan Dhaqane ayaa wararkii ugu dambeeyey haya.

Dhageyso Madaxweyneyaashii Hore
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:16 0:00


XS
SM
MD
LG