Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Guullaha Siyaasadeed ee Gabdhaha Soomaaliyeed ee Mareykanka


Naadiya Cabdirisaaq Maxamed

Dhowr qof oo haween Soomaaliyeed ah oo ay ugu horreyso Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Hoose ee Mareykanka ayaa ku biiray siyaasadda dalkan Mareykanka.

Naadiya Cabdirisaaq Maxamed oo Talaadadii loo doortay golaha deegaanka ee magaalada St Louis Park ee gobolka Minnesota iyo Safiya Khaalid oo iyana loo doortay golaha deegaanka ee magaalada Lewiston ee gobolka Maine ayaa soo hooyay guulihii ugu danbeeyey ee gabdhaha Soomaaliyeed ay ku hantaan xilal siyaasadeed oo si toos ah shacabku ugu doorteen.

Guulahan siyaasadeed ee ay gaareen gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka iyo Yurub ayaa indhaha ku soo jeedisay saamiga yar ee haweenka Soomaaliyeed ay ka helaan Soomaaliya oo ah halka ay asal ahaan gabdhahan ka soo jeedaan.

Haddaba warbixin arrintan ka hadleysa waxaa noo diyaarisay Sahra Cabdi Axmed.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:24 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG