Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyaha Africom Stephen Townsend oo Muqdisho booqday


Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Taliska Afrika Jeneraal Stephen Townsend ayaa maanta booqasho ku tagay Soomaaliya.

Taliyaha oo uu weheliyo arrima-fuliyaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Brian Néubert, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika.

Booqashada Jeneraal Townsend ee Soomaaliya ayaa ah tiisii labaad tan iyo intii uu xilka qabtay bishii Julaay. Waxaana intii uu Soomaaliya joogay uu la kulmay madaxda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka, isagoo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ISIS ay halis ku yihiin Soomaaliya iyo dawladaha kale ee Afirka ee ay iskaashiga leeyihiin iyo weliba dalkan Maraykanka.

Waxa uu sheegay inuu qasadkoodu yahay inay weeraraan Maraykanka inkastoo ayuu yiri aysan lahayn kartidii ay ku fulin lahaayeen weerar noocaas ah oo ka dhan ah Maraykanka, haddana 'waxaa loo baahan yahay feejignaan' sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Waxa uu sheegay in Maraykanku ay Soomaalida ka caawinayaan sidii ay u dhisan lahaayeen tasiilaadka asaasiga ah ee ay kaga hortagi lahaayeen qorshayaasha argagixisada.

XS
SM
MD
LG