Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Maxkamad xukuntey tiradii ugu badneyd oo Shabaab ah


Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukunno ku ridday tiradii ugu badnayd ee dad lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab oo mar keliya la xukumo.

Maxkamadda ayaa mid ka mid ah sagaal qof oo dambiyo kala duwan lagu soo eedeeyey ku xukuntay xabsi daa'im, halka shan kale oo ay ku jirto haweenay ku xukuntay min 15 snao oo xarig ah.

Sidoo kale, waxay maxkamaddu laba ka mid ah eedaysanayaasha ku xukuntay min siddeed sano oo xarig ah. Maxkamaddu waxay sii daysay eedaysane sagaalaad oo ay dambi ku waysay.

Xubnahan la xukumay ayaa lagu eedeeyey inay al-Shabaab uga hawl-geli jireen degaanno ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, ayna u qaabil-sanaayeen tuurista bambooyinka, handdadaadda shacabka, iyo dabagalka dhaq-dhaqaaqyada ciidanka iyo xarrumahooda. Waxaana lasoo qabtay 14-kii bishii Maarso ee sannadkan.

Mid ka mid ah shanta qof ee lagu xukumay 15-ka sano ayaa ah haweenay lagu eedeeyey inay hubka u kala gudbin jiryay kooxdaasi.

Xukunkan ayaa maxkamaddu sheegtay in racfaan laga qaadan karo.

Warbixin: Shabaabkii ugu badnaa oo markaliya la xakumo
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:24 0:00


XS
SM
MD
LG