Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Isbitaalka Jawiil oo ka walaacsan xaaladda barakacayaasha fatahaadda


Fataahaddii baaxadda laheyd ee dhawaantan ku dhufatay Baladweyne, ayaa dadka deegaannadii ay u barakaceen waxa ka mid ah degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan iyo deegaannada kale ee u dhow dhow, oo ay u barakaceen qoysas aad u badan.

Maamulka Isbitaalka degmada Jawiil ayaa sheegey inay ka walaacsan yihiin xaalad caafimaad darro oo la soo dersi karta dadkaasi, iyadoo uusan cisbitaalka awoodin in tiro intaa la'eg uu u adeegyo u fidiyo, maaddama aysan jirin hay'ad ama maamul taageera.

Jamaal Axmed Cismaan ayaa qadka telefoonka kula xiriirey Dr. Ibraahim Maxamed Cali oo ah maamulaha cisbitaalka Jawiil, waxana uu weydiiyay marka hore tirada dadka deegaankaasi ku soo barakacay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:24 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG