Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roobab Xoog leh oo G. Bari ka Da'ay


Iyadoo si weyn cabsi looga qabay inay xeebaha Puntland soo gaaraan duufaan ku wajahneyd deegaanada xeebaha badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ee Puntland ayaa waxaa ka bilowday roobab mahiigan ah oo da’ayey ilaa habeenimadii xalay kuwaasoo aan la soo sheegin inay geysteen wax dhibaato ah balse saacado badan da’ayey saacado badan.

Dhinaca kalena, culimada Puntland ayaa todobadkaan waxay ku hawlanayd gurmad dhaqaale loogu ururinayo dadka fataahaada webigu barakiciyey ee ku nool magaalada Beldawayne, waxaa kaloo jira gurmad noocaan oo kale ah oo ka socda magaalayinka Puntland kaasoo lacag, dhar, cunto iyo gogosha lagu seexdo ay dad is xilqaan ahi ka ururinayaan xaafadaha iyo goobaha ganacsiga. Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah Culimada Puntland ayaa sheegay in iminka ay culimadu gacanta ku hayaan lacag ku dhaw Sadex boqol iyo kunton kun oo Doolar.

Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixin iyo waraysi arrimahaas inooga haysa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:33 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG