Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Dawladda oo la Wareegay Matabaan iyo Guriceel


Xaaladda magaalooyinka Dhuusamareen, Guriceel iyo Matabaan ayaa deggan kadib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ilaa shalay ka socday. Warar aynu ka helanayno ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay gacanta ku hayaan magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel iyadoo maleeshiyaadkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay dhinac uga baxeen.

Ciidamada dawladda ayaa saaka gacanta ku dhigay saldhiggii booliiska ee magaalada Guriceel, kadib markii xalay ay maleeshiyada Ahlu Sunna ka baxeen.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in magaalada ay ku wada sugan yihiin ciidanka iyo mas’uuliyiinta dawladda federaalka iyo weliba kuwa Ahlu Sunna Wal Jamaaca, xaaladduna ay deggan tahay.

Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa dawladda federaalka ku eedaynayey inay ka baxday heshiiskii lala gaaray, iyadoo dhinaca kalena dawladdu ay sheegtay inaysan ka bixin.

Dhageyso Wararka Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:52 0:00


XS
SM
MD
LG