Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beledweyne: Hoos-u-dhac ku Yimid Heerkii Wabiga


Magaalada Beledweyne, waxaa lagu soo warramayaa in hoos u dhac uu ku yimid heerka biyaha wabiga Shabeelle ee magaalada ku fatahay, taasoo sababtay in dib ay u bilowdaan isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee qeybo ka tirsan magaalada. Dhinaca kale, waxaa magaaalada xalay la gaarsiiyay gurmad kii ugu horreeyey oo ka kooban raashin oo laga soo uruuriyay magaalada Dhuusamareeb.

Dadaallo arrintan wax lagaga qabanayo ayaa ka socda gudaha iyo dibeddaba kuwaas oo ay wadaan dadka Soomaalida oo lacag loogu uruurinaya dadka uu saameeyay fatahaadda wabiga Beledweyne.

Meelaha lacagaha laga uruurinayo waxaa ku jirta magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Xuseen Xasan Dhaqane iyo Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixinno arrimahaas ku saabsan ka soo kala diray Beledweyne iyo Stockholm, Sweden.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:18 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG