Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Beledweyne


Fatahaadda Beledweyne

Wafdi wasiirro ah oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Beledweyne iyaga oo ka qayb qaadanaya hawlaha loogu gurmanayo dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhay fatahaada wabiga.

Dhinaca kale, Ra'isal wasaarihii hore ee Somaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahada wabiga ee Beledweyne iyo sida loo taageeri karo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Beledweyne ayaa iyaguna si mutadawacnimo ah isku abaabulay iyaga oo ilaa iyo hadda soo badbaadiyay 21 qof oo uu daadku qaaday

Qaybta hoose warbixin iyo wareysi arrimahan ku saabsan oo uu soo diray wariyaha VOA ee Beledweyne Xuseen Xasan Dhaqane, iyo sidoo wareysi uu Xuseen Barre la yeeshay ra'iisal wasaarihii hore ee Somaliya Cumar Cabdirashiid.

please wait

No media source currently available

0:00 0:16:53 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG