Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xilal lagula kala wareegay Bari, Puntland


Munaasibad xilal lagula kala wareegayay oo xalay ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa la isku weydaarsaday hadallo kul-kul oo ay jeediyeen isimmada, nabadoonnada iyo xubnaha xilka la kala wareegayay.

Xil-wareejintan ayaa ku soo beegantay xilli qaar ka mid ah nabadoonnadda Gobolka Bari ay ka biyo diidsan yihiin mashaariic iyo heshiisyo uu maamulka Puntland la galay shirkado dowladda Imaaraadka Carabta laga leeyahay.

Heshiisyada iyo mashaariicda su’aalaha laga keenay ayaa waxaa ka mid ah heshiiskii maamulkii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay muddo 30 ah maamulka dekedda Boosaaso u saxiixeen shirkadda P&O iyo sidoo kale mashruuca garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni dhowaan uu la galay shirkad la sheegay inay ka diiwaan gashan tahay Imaaraadka Carabta.

Wariyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan ka soo dirtay magaalada Boosaaso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:19 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG