Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo ka qeyb qaadaneysa gurmadka fataahadaha Soomaaliya


Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay inay ka walaacsan tahay waxyeel;ada daadadku u geysteen kumanaan qof oo ku nool deegaano ku yaala Koonfurta Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ergeyga gaarka ee QM u qaabilson Soomaaliya, James Swan ayaa lagu sheegay in QM ay gacan ka geysaneyso gurmadka bani’aadnimo ee dadkaasi loo fidinayo.

James Swan ayaa sheegay in hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ee WFP ay u qoondeysay diyuurad helicopter ah oo ka qeyb qaadata dadaalkan gurmadka.

Dhinaca kale, meelo badan oo gudaha iyo dibadda Soomaaliya ah ayaa waxaa ka socda dadaalka gurmadka daadadka, waxaana ka mid ah magaalada Muqdisho oo lacag looga yaboohay.

Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan kasoo dirtay Muqdisho.

QM oo ka qeyb qaadaneysa gurmadka fataahadaha Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:19 0:00


XS
SM
MD
LG