Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Washington Nationals oo ku guuleysatay koobka adduunka Baseball-ka


Washington Nationals
Washington Nationals

Kooxda Washington Nationals ee magaceeda loo soo gaabiyo NATS oo saldhigeedu yahey Washington, DC, ayaa xaley qaaddey koobka adduunka ee ciyaaraha loo yaqaan BASEBALL.

Ciyaarta Baseball-ka oo inta badan laga ciyaaro Woqooyiga Ameerica, gaar ahaan Mareykanka, ayaa ah kuwa aad u xiisa badan oo sanadka kasta waktigan oo kale la soo gabagabeeyo.

Labada kooxood ee isku soo haray sanadakan, sida kubadda koleyga ee kooxaha NBA-da ee Mareykanka, ayey 7 mar ciyaaraan.

Haddaba kooxda NATS ee ka dhisan Washington, DC, waxa ay maalmihii la soo dhaafey la ciyaareen kooxda Houston Astros ee ka dhisan magaalada Houston ee gobolka Taxes.

Ayada oo labada kooxdoo ay soo kala badiyeen min saddex jeer, ayaa xalay cayaarta toddobaad waxay ka dhacday garoonka kooxda ASTROS, halkaasi oo NATO ay ku badisay 6-2

Waa markii ugu horreysey ee Kooxda NATS ee Washington, D.C, ay koobkan qaaddo, waxaana ugu dambeysey in ay kooxda NATS Final timaaddo sanadkii 1933, waa muddo hadda laga joogo 86 sano.

Dabaaldeg loo sameenayo kooxda NATS ayaa Sabtida lagu qaban doonaa magaaalda Washington, D.C.

Guusha Kooxda NATS ee Baseball-ka, waxa ay kor u qaadi doonta saamigii lacageed ee ay lahaayeen milkiilayssha kooxda Nationals, iyadoo funaanadaha koofiyadaha iyo waxyaabaha kale ee calaamaddoodu ku taal aad loo iibsan doono.

XS
SM
MD
LG