Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo gurmad deg deg ah ka codsatay caalamka


Kheyre
Kheyre

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka codsatay in si deg deg ah loogu gurmado boqolaal kun oo qof oo ay fatahaadauhu saameyeen meelo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu waraqad baaq ah u diray dhamaan dowladaha ay Soomaaliya saaxibka yihiin iyo hay’adaha caalamiga ah.

Waxa uu u sheegay in gurmad deg deg ah loo baahanyahay si looga baaqsado in xaaladdu ay ka sii darto.

Daadadkan ayaa saameeyay gobolada Bay, Bakool, Shabeellaha Dhexe, Shabeellada Hoose iyo Hiiraan, oo magaalada ugu weyn ee Beledweyne ay 85% fatahaaddu qarisay.

Ugu yaraan 10 qof ayaa mas’uuliyiintu ay xaqiijiyeen inay ku dhinteen ilaa iyo hadda daadadka, 60 kun oo qoysna ay ka qaxeen guryahoodii oo biyaha ka hoos maray.

Ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheegay inay jirto cabsi badan oo laga qabo fatahaado kale, maadaama roobabku ay sii socdaan.

XS
SM
MD
LG