Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Meydadka qaar ka mid ah dadkii lagu la'aa Beledweyne oo la helay


Meydadka Ilaa 5 qof oo ka mid ah dadkii shalay lagu la’aa doonidii kula rogmatay xaafadda ay fatahaadu halakeysay ee magaalada Baledweyne ayaa maanta la helay kadib 24 saac oo la weysanaa.

Dadka meydadkooda la helay waxaa ka mid ah Sharmaarke Khaliif iyo Deeqow Cabdi Cariif oo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada hoose ee Baledweyne. Waxaa sidoo kale ku jira Shariif Xasan iyo oo ahaa Ganaacsade iyo gudoomiyahii ururka dhalinyarada degmada Shibis ee Muqdisho oo maalmahii ugu dambeyay Baledweyne ku sugnaa, iyo wiil arday ah.

Ilaa xalay waxaa socday baadi goobka dadkaas iyo kuwa kale oo wali aan la helin, waxaana dadka maqan ka mid ah Dahabo Xasan Axmed, oo ahayd la taliyahii dhanka aerimaha haweynka ee madaxweynaha HirShabelle.

Dhanka kale waxaa goor dhoweyd gaaray magaalada Baledweyne Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo gudiga gurmadka oo uu dhawaan magacaabay.

Hoos u dhac aan sidaa u badneeyn ayaa laga dareemaya biyahii daadka ee aadka u badnaa ee magaalada kusoo rogmada, walow uu is-badal dhici karo haddii uu roob xoog leh uu mar kale da’o.

Warbixin ku saabsan saameynta daadadka waxaa magaalada Beledweyne nooga soo diray wariyeheenna Xuseen Xassan Dhaqane.

Saameynta daadadka Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:25 0:00


XS
SM
MD
LG